Dowladda oo iclaamisay xilliga uu furmayo shirka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe

Image

29 December, 2015(GO)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Federalka Somalia Cabdiraxmaan Odowaan ayaa warbaahinta ku sugan degmada Jowhar u sheegay in shirka maamul u samaynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe furmi doono asbuuca soo aaddan, maalintana dib ka soo sheegi doonaan.

Odowaa oo qayb ka ah wafdi ku sugan xarunta marti galinaysa shirka labada gobolka ayaa bulshada kula dardaarmay inay dardar galiyaan hawlaha socod si loo helo madaxweyne ka qayb gala 20 Febraayo shirka ka dhacay Istambuul.

Wuxuu tilmaamay in magalada imaan doonaan mas'uuliyiin iyo Ergooyin ka socota labada dhinac isagoo booqday halka shirku ka dhici doono.

Degmada Jowhar ayaa ku jirta qaban qaabo xooggan maada iyado shirka marti galin doonto, Ergooyin badan imaan doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM