Dowladda oo iclaamisay xilliga uu furmayo shirka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe

Image

29 December, 2015(GO)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Federalka Somalia Cabdiraxmaan Odowaan ayaa warbaahinta ku sugan degmada Jowhar u sheegay in shirka maamul u samaynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe furmi doono asbuuca soo aaddan, maalintana dib ka soo sheegi doonaan.

Odowaa oo qayb ka ah wafdi ku sugan xarunta marti galinaysa shirka labada gobolka ayaa bulshada kula dardaarmay inay dardar galiyaan hawlaha socod si loo helo madaxweyne ka qayb gala 20 Febraayo shirka ka dhacay Istambuul.

Wuxuu tilmaamay in magalada imaan doonaan mas'uuliyiin iyo Ergooyin ka socota labada dhinac isagoo booqday halka shirku ka dhici doono.

Degmada Jowhar ayaa ku jirta qaban qaabo xooggan maada iyado shirka marti galin doonto, Ergooyin badan imaan doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM