Dowladda Somalia oo amartay in la xiro Website-yo

Image

10 November, 2015(GO)-Amar ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somalia, ayaa lagu sheegay in la xanibayo 35 website, kuwaasi oo laga keenay cabasho faafin iyo dacaayado aan munaasib ahayn

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ayaa ku amray wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta inay xannibaan Website-yadaas, inta la hubinayo sugnaanshaha cabashooyinka soo gaadhay xafiiska Xeer ilaaliyaha.

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha Somalia Maxamud Cabdi Xaaji Aadan, ayaa sheegay in website-yadan faafiyeen warar aan munaasib ahayn, dacaayado kula kaceen shakhsiyaad magac ku leh bulshada.

Arrintan, ayaa imaanaysa xilli ay soo badanayaan, mareegaha Internetka ee Somalida, balse arrinta ayaan noqonaysa markii ugu horraysay oo si cad xafiiska xeer ilaaliyaha Somalia xirtaankooda u shaaciyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM