​Dowladda Somalia oo codsi u dirsatay Morocco

Image

MUQDISHU- Dowladda Federalka Somalia ayaa waddanka Morocco u dirtay codsi ku aadan in laga caawiyo arrimaha la dagallanka argagixisada iyo dhismaha hay'adaha amniga dalka Somalia kadib shir dhexmaray Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid iyo wasiirka Arrimaha Dibadda waddankaasi Salaaxudiin Miswaar.

Labada mas'uul ayaa ku kulmay dalka Turkiga, waxayna kawada hadleen xaaladaha amni iyo sidii labada dhinac u samayn lahaayeen xiriir qotodheer oo la xiriira is-dhaafsiga xoga kooxaha xagjiriinta ah.

Ra'isal wasaare Cumar, ayaa wasiir Miswaar ka codsaday in  Somalia ka caawiyaan dib u dhiska hay’adaha amniga, muqaabaraadka, la dagaallanka argagixisada iyo in dhaqan celin loo sameeyo dadka marin habaabiyeen Al-Shabaab ee isu soo dhiiba dowladda.

Mas'uuliyiinta ayaa isku raacay howlo badan oo ay kawada hadleen iyagoo isla meeldhigay inay taageerada Somalia dalbatay dhaqso loo fuliyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maracco, Salaaxudiin Miswaar ayaa sheegay inay dalabkaasi tixgalinayaa, dowladda Somaliyana ka caawin doonaan dhanka amniga iyo dagaalka ay kula jirto ururka Shabaab.

Codsigan ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Shabaab falal amni darro ka fuliso Somalia gaar ahaan xarunta dowladda Federalka ee Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM