Dowladda Somalia oo diiday u xafladaynta Chrismas-ka

Image

24 December, 2015(GO)-Dowlada Somalia ayaa qoraal ay soo saartey ku mamnuucdey xuska dhalashada Nabi Ciise iyo u xafladeynta sanadka cusub, madaama wadanku yahay shacabkiisu 100% muslim.

"Waxaan ka digeynaa xuska dhalashada Nabi Ciise, madaama arinkaanu khuseyo oo kaliya dadka haysta diinta masiixiga" sidaas waxa idaacadda ku hadasha afka Dowlada Federaalka ka yiri agaasimaha guud ee wasaarada diinta iyo awqaafta Sheekh Maxamad Khayrow. 

" Waa qodob caqiido ku saleysan, wax khuseeya diinta islaamka ah ma aha" ayuu yiri Khayrow isaga oo hadalkiisa sii wata.
Agaasimaha guuud ayaa saxaafada u sheegey in qoraal u direen hay'adaha amniga iney talaabo ka qadaan dadka xafladaan ku sameynaya goobaha la isugu yimaado.

Hadalka agaasimaha guuud ayaa yimid xilli magaalada Muqdishu ku soo badanayaan qurbo joogta Somalida kuwasoo keena dhaqamada wadamada shisheeye oo ka yimaadeen sidaas waxa warsidaha Garowe online u sheegey sarkaal ka tirsan hay'adaha amniga oo ka gaabsadey magaciisa in an xusno.

Qoralkaan ka soo baxey wasaarada diinta ayaa lagu sheegey in hay'adaha qaramada midoobey iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia ku xafaladyen karaan xarumaha ay ka daganyihiin wadanka.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Banaadir oo dhawaan ka hadlayay xaflad ka dhacay Muqdishu ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin arrintaas, isagoo ciddii samaysa ugu goodiyay inay sharciga la tiigsan doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM