Dowladda Somalia oo diiday u xafladaynta Chrismas-ka

Image

24 December, 2015(GO)-Dowlada Somalia ayaa qoraal ay soo saartey ku mamnuucdey xuska dhalashada Nabi Ciise iyo u xafladeynta sanadka cusub, madaama wadanku yahay shacabkiisu 100% muslim.

"Waxaan ka digeynaa xuska dhalashada Nabi Ciise, madaama arinkaanu khuseyo oo kaliya dadka haysta diinta masiixiga" sidaas waxa idaacadda ku hadasha afka Dowlada Federaalka ka yiri agaasimaha guud ee wasaarada diinta iyo awqaafta Sheekh Maxamad Khayrow. 

" Waa qodob caqiido ku saleysan, wax khuseeya diinta islaamka ah ma aha" ayuu yiri Khayrow isaga oo hadalkiisa sii wata.
Agaasimaha guuud ayaa saxaafada u sheegey in qoraal u direen hay'adaha amniga iney talaabo ka qadaan dadka xafladaan ku sameynaya goobaha la isugu yimaado.

Hadalka agaasimaha guuud ayaa yimid xilli magaalada Muqdishu ku soo badanayaan qurbo joogta Somalida kuwasoo keena dhaqamada wadamada shisheeye oo ka yimaadeen sidaas waxa warsidaha Garowe online u sheegey sarkaal ka tirsan hay'adaha amniga oo ka gaabsadey magaciisa in an xusno.

Qoralkaan ka soo baxey wasaarada diinta ayaa lagu sheegey in hay'adaha qaramada midoobey iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia ku xafaladyen karaan xarumaha ay ka daganyihiin wadanka.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Banaadir oo dhawaan ka hadlayay xaflad ka dhacay Muqdishu ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin arrintaas, isagoo ciddii samaysa ugu goodiyay inay sharciga la tiigsan doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM