​Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay soo afjartay howgalka hotel Ambasador

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Waxaa barqankii maanta lasoo afmeeray howlgal saacado badan qaatay oo lagu xaqiijinayay amniga hotelka Ambasador oo kooxo hubaysan gudaha u galeen kadib markii shalay galab qarax xoogan lagu dhuftay afaafka hore ee hotelkan oo ku yaalla magalada Muqdishu.

Weerarkaasi, waxaa ka dhashay khasaaro xooggan, waxaana tirada dhimasahada lagu sheegay ilaa 15 ruux, halka dhaawacu kor u dhaafay 50 qof.

Dadka dhintay, waxaa ku jiray labo mudane oo katirsan Baarlamanka Soomaaliya kuwaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Jamac (Kabaweyne) iyo Maxamed Maxamud Guure, kuwaasi oo aas qaran loogu sameeyay caasumadda dalka.

Taliyaha ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya Cabdiraxmaan Tuuryare, ayaa sheegay in howlgalkan uu soo afjarmay isagoo intaasi raaciyay in ciidamada dalka ay diyaar u yihiin badbaadin umadda Soomaaliyeed halka ururka Shabaab uu ku eedeeyay inay gumaadayaan maato aan waxba galabsan.

Wasiirro katirsan dowladda Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada nabadsuggidda ayaa goobta tagay iyagoo warbaahinta uga waramay dhibkii dhacay.

Wasiirka Amniga Gudaha Cabdirasaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay inay wadaan tiro koob lagu xaqiijinayo dadkii ku waxyeelloobay qaraxaasi.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, ayaa weerarkan ku macneeyay mid lagu hor istaagayo nolosha dadka isagoo xusay inuu yahay qorshe khalkhal galinaya maalgashi lagu sameeya magalada Muqdish, isagoo intaasi raaciyay inay layn doonaan hogaamiyaasha kooxda Shabaab.

Madaxda Soomaaliyeed gaar ahaan, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa weerarkaasi cambaareeyay, iyagoo tilmaamay inuusan saamayn ku yeelan doonin hormarka waddanka kasocda.

Hotelka Ambasador iyo guud ahaan meelihii ka agdhawaa ayaa waxaa ka muuqda bur-bur xooggan, wuxuun saamayn ku yeeshay dhammaan ganacsigii ee ka agdhawaa.

Maaha markii ugu horraysay ee sidaan oo kale qarax loogu laayo dad ku jiray hotello ku yaalla magalada Muqdishu, balse waxay kusoo beegmaysaa xilli dowladdu tilmaamtay inay amniga wax ka qabatay islamarkaana fashiliyeen qaraxyo badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM