DP World oo la wareegi doonta dekada magaalada Berbera

Image

HARGEYSA 25 April,2015 (GO)- Wararka laga helayo maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xukuumada madaxweyne Siilaanyo heshiis lagu wareejinayo dekada magaalada Barbara la  galayaan dakada Dubai " Dubai World."

Warar hordhac ayaa sheegaya in DP World ay maamuli doonto dekada magaalada Berbera muddo 17 sano iyadoo heshiiska mashruucaan lagu kala saxiixan doono magaalada Dubai 27 April,2015.

Wafti ka socda maamulka Somaliland ayaa la filayaa in maalmahaan soo gaaraan magaalada Dubai ee wadanka Imaraadka Carabta.

Xubnaha kamid ah waftigaan ayaa warsidaha Garowe Online fahansan yahay inuu kamid yahay wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Mareeyaha dakada Berbera Cali Xoor Xor, Wasiirka ganacsiga Muuse Qaasim iyo xubno kale oo ku dhow xafiiska madaxweynaha.

Heshiiskaan ayaa la filayaa in DP World ku balaarin doonto dekada magaalada Bebera islamarkaana maamuli doonto shaqadeeda.

Xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ayaa wel-wel ka muujiyey heshiiskaan iyo waqtiga uu ku soo beegmey madaama  sanadka soo socda shacabka maamulkaas u dareeri doonaan doorashooyinka madaxweynaha iyo kuwa aqalka wakilada.

Wasiirka dekadaha dowlada Federaalka oo dhowaan la hadley saxaafada ayaa mamaulka Somaliland uga digey in heshiis la galaan shirkado maamula dekada magaalada Berbera.

DP World ayaa sida la rumeysan la filaya in heshiisyo kuwaan la-mid ah la  gasho maamulada kale ee ka jira Somalia kuwasoo laga magacaabey Puntland iyo Jubaland.

Dekada magaalada Dubai "DP World" ayaa maamusha 65 dekadood oo ku yaal Lixda qaaradood ee aduunka kuwasoo ku kala yaala wadamada Yurub, Africa iyo Asia gaar ahaan wadanka India.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM