Duqa cusub ee degmada Bosaso oo xilka la wareegey

Image
Image

June 2, 2015 (GO)- Duqa cusub ee dhowaan loosoo magacaabay degmada Bosaso Maxamed Siciid Shabeel (Bocool) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegey duqii hore Xasan Cabdallah Xasan.

Xafladda xil-wareejinta oo ka dhacday Hotel Gacayte, waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), isimmo iyo xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Duqii hore ee Bosaso Xasan Cabdallah Xasan oo ugu horreyn munaasabaddaas ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey waxyaabaha u qabsoomey muddadii uu xilka hayey isagoo sheegay inay jiraan wax badan loo qabtey iyo qaar kale oo dhiman.

Xasan ayaa dhanka kale hambalyo u direy guddoomiyaha cusub isagoo ballan qaadey inuu si dhow ula shaqeyn doono Ilaahna uga baryey inuu u fududeeyo xilka culus ee loo dhiibey.

Duqa cusub ee degmada Bosaso Maxamed Siciid Shabeel (Bocool) ayaa ka mahadceliyey qaabka fiican ee xilka loogu wareejiyey, wuxuuna ballan qaaday waxqabad iyo horumar.

Ugu dambeyntii, waxaa goobta ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Karaash. Wasiirka ayaa u hambalyeeyey maamulka cusub ee degmada, wuxuuna kula dardaarmey dadaal iyo inay la yimaadaan waxqabad muuqda.

May 27, 2015 ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas maamul u cusub usoo magacaabay gobolka Bari iyo degmada Bosaso islamarkaana kala direy golihii deegaanka ee Bosaso. 

Duqa kumeel gaarka ah ee degmad Bosaso waxaa loo soo magacaabay Maxamed Siciid Shabeel (Bocool) halka ku-xigeenka degmadna loo soo magacaabay Qaasim Cabdiraxmaan Maxamuud (Caluuke).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM