Duqa cusub ee Garowe oo sheegay inuu horumarinayo caasimadda

Image

June 8, 2015 (GO)- Duqa cusub ee degmada Garowe ayaa ballan qaaday inuu dadaal badan ku bixin doono horumarinta caasimadda Puntland ee Garowe.

Axmed Siciid Geelle (Shoodhe) oo ka hadlayey munaasabad uu xilka kula wareegayey oo isla maanta ka dhacday xarunta hay'adda PDRC ayaa sheegay inuu xoogga saari doono xoojinta ammaanka iyo kor u qaadista bilicda magaalada.

"waxaan waqti badan iyo maskax iyo dadaalba gelinayaa sidii aan usii horumarin lahaa caasimadda Puntland ee Garowe...waxan xoogga saarayaa dhinacyada ammaanka iyo nadaafadda" ayuu yiri.

Dhanka kale, Shoodhe wuxuu ka codsaday qaybaha kala duwan ee bulshada inay si dhow ula shaqeeyaan isagoo wacad ku maray inuu qaadan doono dhammaan talooyinka uga yimaada dhanka dadweynaha.

June 3, 2015 ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kala direy golihii deegaanka ee Garowe islamarkaana xilka ka qaadey duqii hore ee Garowe isagoo xilkaas usoo magacaabay Axmed Siciid Geelle (Shoodhe).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM