​Duqayn ka dhacday deegaanka Birta-dheer, Jubbada hoose

Image

KISMAYO, Somalia- Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Duqeyn dhanka Cirka ah xalay saqdii dhexe ka dhacday deegaan ku yaalla gobolkaasi.

Weerarkan oo ay fuliyeen diyaarado Ajnabi ah ayaa lala bartilmaameedsaday saldhiyo ururka Al Shabaab ku leeyahay deegaanka Birta-dheer, oo ku dhawaad 60KM dhanka Galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Ilo Wareedyo ku sugan deegaanka Birta-dheer, ayaa Garowe Online u sheegay inay xalay ku baraarugeen weeraray cirka ah oo ka socoto deegaanka, gaar ahaan goobo la sheegay inay ku suganyihiin Al Shabaab.

Mallayshiyaadka Al Shabaab ayaa dhankooda ka jawaabtay weerarkaasi iyagoo riday Hub Culus.

 Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay howlgalkaas, waxaana la sheegay in kooxdii la weeraray laga dilay tiro mallayshiyaad ah.

 Ciidamo katirsan dowladda Somalia, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa  qayb ka ahaa duqayntaas oo la sheegay inay gaysteen diyaaradaha Maraykanku oo muddooyinkii dambe weeraro joogto ah ka waday gobolka Jubbada hoose.

Shabaab ayaa ku xooggan gobolka, waxaana arrintan kusoo aaday xilli maamulka Jubbaland wadan howlgal ka dhan ah Al Shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Jubbaland iyo kooxda la weeraray ee Al Shabaab.

Khamiistii tagtey, Ciidamo Mareykanka ah ayaa weeraray deegaanka Golashombi, ee galbeedka Kismaayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM