​Duqeyn Cirka ah oo ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe

Image

BU'ALLE, Somalia- Diyaarado dagaal, oo aan la ogayn dalka laga leeyahay ayaa Weerar Cirka ah ku qaadey saldhig Al shabaab ku leeyihiin duleedka degmada Bau'aalle, ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta waxay ka dhacday deegaanka Waraha-Dhoobley, oo qiyaastii 45Km dhanka Galbeed uga beegan magaalada Bu'aalle, halkaasi oo fariisimo ku leedahay Kooxda Al shabaab.

Dadka deegaanka, ayaa GO u sheegey in Diyaaradahaas Gantaallo ku garaaceen saldhig kooxdaas ku tababarto Malleeshiyaadkeeda, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Malleeshiyaad badan ayaa gaarey saakay deegaanka Xalay ay duqeyntu ka dhacday, waxaana ay sameeyeen howgallo ballaaran, oo dad badan kusoo qab-qabteen, sidaas waxaa noo sheegay goob joogayaal ku sugan Bu'aale.

Duqeynta ayaa dhacday saacado kadib markii Al shabaab ay fasaxeen Isgaarsiinta Gobollada Jubbooyinka oo Todobaadyo kahor hawada ay ka saareen.

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa inta badan ka fuliyo weerarada cirka ah oo inta badan lala beegsado goobaha ay ka taliyaan Kooxda Al Shabaab, ee Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM

Fiqi: Hubkii Masar waxaa loo Adeegsaday Dagaal Sokeeye

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 12:18PM