Duqeyn ka dhacdey deegaano ka tirsan Shabeelada Hoose

Image

February 17, 2015 (GO)- Diyaarado aan ilaa iyo hadda la xaqiijin dalka laga leeyahay ayaa duqeyn ka geystey deegaanka Julib-Marka oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo duqeyntaas iyo khasaaraha ka dhashay, haseyeeshee wararka hordhaca ah ayaa tibaaxaya in bartilmaameedku ahaa fariisin ciidan oo xoogag Al-shabaab ku tirsani ku sugnaayeen.

Waa markii labaad muddo todobaad ah ee la duqeeyo fariisimaha Al-shabaab ee ku yaalla gobolada koonfureed ee dalka.
Dowlada Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyey kordhisey duqeymaha ay ka geysaneyso dalka Soomaaliya.

September 1, 2014 duqeyn Maraykanku ka geystey deegaanka Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxaa lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabab Axmed Cabdi Godane.

December 29, 2014 duqeyn kale oo diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen deegaanka Saakow ee gobolka Jubada Dhexe, waxaa lagu diley labo sarkaal oo ka tirsanaa hoggaanka ururka Al-shabaab. Labada nin midkood waxaa lagu magacaabi jirey Cabdinaasir Xasan Barakow Tahliil.

Jan 31, 2015 duqeyn ka dhacday deegaan dhanka bariga kaga beegan degmada Diinsoor ee gobolka Bay waxaa lagu diley sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jirey Yuusuf Dheeg. Ninkaasi sida la sheegay wuxuu ahaa madaxa sirdoonka iyo hawlgallada gudaha ee Al-shabab. 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM