​Ergada dooranaysa Xildhibaanada Somaliland oo cabsi galin lagu hayo [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Odayaasha iyo Ergada Somaliland ee Doorashada Aqallada Hoose iyo sare ee ka socoto Muqdishu ayaa sheegay in lagu hayo Cabsi-gelin iyo Handadaad xoogan, oo uga imaanaysa Madax katirsan dowladda Somalia.

13 Oday oo kamid ah Beelaha Gobolada Waqooyi ee Somaliand ayaa u qoray Gudiga Doorashada Warqad, oo ay ku dalbanayaan in xarunta lagu qabanayo doorashadooda loo wareejiyo saldhigga AMISOM ee Xalane.

Odayaasha ayaa sheegay inay la kulmeen xarig, Handadaad iyo Cabsi-gelin uu ku samaynayo Wasiirka Warfafainta Somalia Maxa'ed Cabdi Xayir Maareeye iyo Madax kale oo katirsan dowladda Federaalka.

Doorashada Aqalka Hoose, ee Beelaha Waqooyi (Somaliland) oo dhawaan laga bilaabay xarunta Gaadiidka Booliska Degmada Cabdicasiis ayaa joogsatay markii la xiray Oday kamid ah Ergada Doorashada.

Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa ka hadlay Xarigga iyo Faragelinta lagu hayo Hannaanka Doorashada dalka, isagoo ugu baaqay Guddiga Amniga inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka lagu hayo Ergada iyo Musharaxiinta.

Beelaha degan gobolada Somaliland ayaan wali dooran xubnaha ay ka heleen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay Aqalka Hoose: 46 halka kan  Aqalka Sare 11.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi: Hubkii Masar waxaa loo Adeegsaday Dagaal Sokeeye

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 12:18PM

Xiisad Kacsan oo Koonfur Galbeed ka Taagan iyo Ciidamada DFS oo Magaalo oo La Wareegay

Madaxweyne Laftagareen ayaa noqday hoggaamiye kale oo maamul goboleed oo hakiya xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 08:01AM