Ergeyga UN-ka u qaabilsan Somalia oo diidey muddo kororsiga DFS

Image

MUQDISHU, March 19, 2015 (GO)- Iyadoo la filayo in Somalia doorasho ka dhacdo sanadka 2016, ayaa ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobey Somalia waxaa uu meesha ka saarey wararka sheegaya in madaxda Somalida gaar ahaan Madaxweyne Xasan Shiikh damacsan yahay inuu kororsado waqtiga.

Qoraal kasoo baxey xafiiska Nicholas Key March 18, 2015 ayuu lagu sheegey in beesha caalamka gabi ahaanba aqbaleyn in kororsi yimaado wixii ka dambeeya August 2016.

" Ma jirto kororsi ay sameyn karaan madaxda Somaalidu haddii uu waqtigu ka dhamaado madaxda Somalida  2016, beesha caalamkuna ogalaan meyso talabadaas." ayuu sheegey Nicholas Key mar uu saxaafada la hadlayey.

Ergeyga gaarka ayaa xusey in waqtiga dhiman madaxda Somalida looga fadhiyo iney soo dhameystiraan dhismaha maamullada dhiman, dastuurka Somalia oo cod loo qaado iyadoo muhiimadda kowaad la siinayo dhowrista amniga.

Madaxda dowlada Federaalka ah ee Somalia ayan ilaa iyo hadda  ka bixin  wax jawaab ah hadalka ergeyga gaarka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia.

Hadalka Nicholas Kay ayaa ku soo beegmey kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia bilaabey dhaqdhaqaaqyo siyaasdeed ee uu ku raadinayo waqti kororsi inta aan la gaarin sanadka 2016.

Sanadka 2016 ayaa waxaa la qorsheynayaa in wadanka Somalia ka dhacaan doorashooyin xor ah oo madax banaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM