Ergooyinka D. Federaalka iyo Somaliland oo Istanbul ku shiraya

Image

March 1, 2015 (GO)- Wada-hadalkii u socdey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa lagu wadaa inuu maanta dib uga bilowdo magaalada Istanbul ee dalka Tukiga.

Wufuud ka socota labada dhinac ayaa Istanbul gaarey waxaana ergooyinka labada dhinac kala hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somiland Maxamed Biixi Yoonis.

Arrimo dhowr ah ayaa kulanka diiradda lagu saari doonaa, waxaana ugu muhiimsan dhaqan gelinta qodobadii horay loogu heshiiyey iyo weliba in si miisaaman looga doodo arrimaha masiiriga ah.

Shirkan ayaa qorshuhu ahaa inuu qabsoomo labo maalmood kahor, lamana shaacin sababta dib u dhacaas keentay.

Kulankii ugu dambeeyey ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland yeeshaan oo ka dhacay magaalo madaxda dalka Jabuuti December 2014, waxaa qodobadii lagu heshiiyey kamid ahaa in lasii dardar geliyo wadahadallada, kulanka xigana laysugu yimaado February 26, 2015.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa heshiiskaas qalinka ku duugey, waxaana qodobada kale ee hishiiskaasi dhigayey ugu muhiimsanaa:

  • In la dar dar geliyo wada hadallada labada dhinac waqtina lagu jaan gooyo.
  • In arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirrado lana fuliyo waxyaabihii horay loogu heshiiyey.
  • In laga dhowrsado wax walba oo wada hadallada carqalad gelin kara.
  • In aan la siyaasadeyn deeqaha bini aadamnida iyo mashaariicda horumarinta balse la dhiiri geliyo.
  • In la fuliyo heshiiskii maamulka hawada.
  • In kulammada hadii labada dhinac raali ka yihiin laga soo qayb gelin karo khubaro farsamo iyo dowlado saaxiib ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM