Ergooyinkii D.F iyo Somaliland ee shirka Istanbul oo dib usoo laabtey

Image

March 3, 2015 (GO)- Xubnihii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland u meteli lahaa shirkii fashilmey ee magaalada Istanbul ayaa maanta dib ugoo laabtey magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Labada wafdi waxaa kala hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Shirka Istanbul ayaa qabsoomi kari waayey kaddib markii Somaliland  shardi ka dhigtey in ergada Dowladda Federaalka laga saaro xubno -sida Somaliland ku doodeyso- deegaan ahaan kasoo jeeda dhulkeeda arrintaasoo wafdiga Dowladda Federaalku ka biyo diideen.

Xubnaha Somaliland dalbatey in shirka laga saaro waxaa kamid ah: Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jamac Jangeli Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Saciid Qoorsheel iyo xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Cilmi.

Shirkan ayaa qorshuhu ahaa inuu furmo 28-da bishii hore ee February balse dib u dhac ayaa ku yimid. Ajandeyaasha lagu gorfeyn lahaa kulanka waxaa ka mid ah arrimo xasaasi oo ay ugu muhiimsan tahay sida laga yeelayo midnimada iyo qadiyadda gooni isu-taagga Somaliland.

Bishii December ee sanadkii hore (2014) waxaa magaalo madaxda dalka Jabuuti ee Jabuuti ku kulmey Madaxweyneyaasha Dowladda Federeraalka iyo Somaliland; Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Siilaanyo.

Heshiis dhowr iyo toban qodob ka koobnaa ayey labada dhinac wada saxiixdeen xilligaas, waxaan ku jirtey in lasii dardargeliyo wadahadallada, kulanka xigana laysugu yimaado Feb 27/28, 2015.

Mas'uuliyadda qabsoomid la'aanta kulanka labada dhinac midba midka kale ayuu ku eedeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM