​Faah-faahin arrimaha Muhaajiriinta dhintay

Image

Tan iyo markii ku dhawaan 200 dhalinyaro Somalia ah ku halaagsameen badda u dhaxaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga, waxaa si aad ah arrintaasi uga hadlay mas'uuliyiinta Somaliyeed, shacabka iyo culimaa'uddiinka iyagoo muujinaya dareenkooda ku aadan siday uga xunyihin.

Warbaahinta Radio Garowe, ayaa aragtidooda soo aruurisay shacabka Garowe, waxayna dhalinta ugu baaqeen inay ka laabtaan fikradda qaldan iyagoo shacabka iyo waalidiinta faray inay feejignaan muujiyaan islamarkaana fikraddaasi qaldan tir-tiraan.

"Aad waxaan uga xumay wararka naxdinta leh ee aan maalin kasta maqlayno, waxa dhammaanaya waa u badkeenni, ubaxii dalka iyo dadkii barri talada waddanka hogaamin lahaa, waxaana ku baaqayaa in nasiib xumada soo wajahday dhalinyaradeena wax laga qabto islamarkaana dowalddu samayso siyaasad cad," Sidaas waxaa yiri mid kamid ah dadka ku sugan Garowe.

Dhinaca kale culimada Somaliyeed ayaa ka hadlay tahriibka iyo diinta Islaamku waxay ka qabto, waxaana Afhayeenka hay'adda culimada Somaliyeed sheegay inaysan diinteenna suuban bannayn in qofka muslimka ah u haajiyo waddanka gaalo, isagoo sii raaciyay qofkii naftiisa halaaga inuu lamidyahay qofkii nastiisa dila.

"Waxaa ka xumahay dhalinyarada Somaliyeed ee ku le'enaysa badaha, runtii diinteena ma ogolaha in qofku halligo naftiisa, waxuuna noqonayaa qofkaasi qaatil ama dilaa, wuxuuna lamidyahay shakhsigii naftiisa dab ku riday amba toogtay, addunkana qofkaasi ka tag aakhira xisaab ayaa sugaysa," Ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, ayaa maanta lagu qabtay kulan baroor diiq ah kaasi oo loogu murugoonayay dhalinyarada Somaliyeed ku haligmay badda, waxaana kala qayb galay mas'uuliyiin katirsan degmada Cabdicasiis gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha degmadaas Cabdicasiis Cismaan Muxudiin, ayaa sheegay inay dhibkan la qaybsanayaan ehelkii carruurtooda ku waayay tahriibka, waxuuna ku baaqay in loo istaago sidii dadka looga wacyi galin lahaa tallaabadaasi.

Falkaasi sidoo kale waxa ka hadlay hogaamiyaasha Somaliyeed, waxayna tacsi u direen ehelkii dadkii ku waxyeelloobay badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga, iyagoo sidoo kale ku baaqay in la sameeyo siyaasad hakinaysa safarkan dhibta badan.

Tahriibka ayaa noqday waddo dhalinyaro badan oo Somaliyeed ku halaagsameen, halka kuwa kale ku tageen waddamada Yurub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM