Faah faahin ku saabsan dagaalkii maanta ka dhacay Guriceel

Image

February 12, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dagaal gelinkii hore ee maanta ku dhex maray ciidamada dowladda iyo mileeshiyaad ka tirsan ururka Ahlu Sunna degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Dagaalka ayaa bilowdey goor hore oo saaka ahayd kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladu degmada dhowr jiho kasoo weerareen. Iska hor imaad  xooggan oo socdey muddo lix saac ka badan ayaa labada dhinac dhex maray.

Ciidamadii dowlada ee weerarka soo qaadey dib ayaa loo caabiyey waxaana weli Guriceel gacanta ku haya xoogaggii Ahlu Sunna ee shalay qabsadey.

Ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka maanta ku geeriyoodey lix qof oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaalku dhex maray, waxaana isbitaalka degmada lasoo gaarsiiyey ku dhowaad toban qof oo kale oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Dhanka kale, waxaa dagaalka Guriceel ku barakacay boqollaal qoys oo u cararay deegaanada ka baxsan magaalada iyadoo ay jireen qoysas kale oo horay degmadaas shalay uga qaxey.

Xaalada ayaa hadda ah mid degen inkastoo weli Guriceel iyo deegaanada ku xeeran laga dareemayo saan saan colaadeed iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo ay labada dhinac wadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM