Faah faahin ku saabsan weerarro xalay ka dhacay Bosaso iyo Yalho

Image

May 5, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa shaagatey mas'uuliyadda labo weerar oo xalay ka kala dhacay magaalada Bosaso iyo tuulada Yalho oo qiyaastii 45km dhanka koonfur-bari magaalada Bosaso kaga beegan.

Mid kamid ah baraha taageera Al-shabaab oo soo xiganeysa mas'uul sare oo ka tirsan kooxdaas ayaa baahisey in dagaalyahanno Al-shabaab ahi xalay labo weerar oo qorsheysan ka kala fuliyeen Bosaso iyo Yalho.

Khasaaraha weerarkii xalay lagu soo qaadey tuulada Yalho:

Labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta ee ku sugnaa fariisinka lasoo weeraray ayaa geeriyoodey, waxaa sidoo kale ku dhaawacmey saddex askari oo mid kamid ah xaaladdiisu culus tahay.

Khasaare maaliyadeed weerarka waxaa ka dhashay labo gaari, guri iyo berked la gubey. Labada gaari midkood wuxuu ahaa nooca dagaalka ee Soomaalidu u taqaan Cabdi Bilaha iyo gaari kale oo ahaa nooca raaxada ee loo yaqaan Toyota Surf.

Barqonimadii maanta, waxaa la helay saddex askari oo xalay la waayey kadib markii ay u firxadeen dhinaca qarka. 

Dhanka kale, cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta ayaa saaka tegey deegaankaas iyagoo baaritaan muddo kooban socdey sameeyey islamarkaana su'aalo weydiiyey dadka deegaanka.

Fariisinka ciidan ee xalay lasoo weeraray waxaa ku sugnaa mileeshiyo beeleed bulshada deegaanka laga abaabuley, kuwaasoo dhowaan la qarameeyey looguna talo galay inay ka hor tagaan dhaq dhaqaaqyada Al-shabaab ka waddo dhulka buuraleyda ah ee u dhexeeya Yalho iyo Karin.

Tuulada Yalho oo ku taalla silsiladda buuraleyda ee Golis waxay masaafo aan badneyn u jirtaa deegaannada Sugurre iyo Galgala, halkaasoo marar badan oo hore ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ugu dagaallameen.

Weerarkii Bosaso ka dhacay:

Ugu yaraan saddex nin oo la sheegay inay ku hubeysnaayeen bumbooyinka gacanta laga tuuro iyo qoryaha darandoorriga u dhaca ayaa soo weeraray fariisin ciidan oo ku taalla isgoyska Afar-irdoodka, halkaasoo ciidamada boolisku habeenkii gaadiidka ku baaraan.

Waa markii saddexaad muddo saddex bilood gudahood ah ee isla bartaas kantarool dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsani soo weeraraan.

Qaraxyo goobta ka dhacay iyo rasaas labada dhinac isweydaarsadeen ayaa waxaa ku dhintey hal qof oo rayid ahaa labo kalena way ku dhaawacmeen.

Dhanka kale, sarkaal ka tirsan booliska oo ka gaabsadey in magaciisa la baahiyo ayaa u sheegay Garowe Online in isbitaalka magaalada Bosaso lagu qabtey nin dhaawac ah, kaasoo loo maleynayo inuu qayb ka ahaa kooxda weerarka soo qaaddey.

Wararka kale ee Garowe Online helayso ayaa tibaaxaya in qofkaasi ku dhaawacmey rasaas wiifto ah oo ku dhacdey xilli uu ka qaxweynayey maqaayad ku taalla isgoyska Netco ee xaafadda Biyo Kulule.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM