​Faah faahin qaraxa Lafoole, degmada Afgooye [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax saaka waabarigii lala eegtay gaari nooca dadweynaha qaada oo kusii jeeday degmada Afgooye gobolka Shabeellaha hoose oo magaalada Muqdishu 30KM u jirta.

Baskan, waxaa ku qaraxday miino dhulka oo ah nooca meesha fog laga hago, waxaana goobta la dhigayay marayay gaari ay saaranyihiin ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in baska qarxay uu dhaafayay gaariga ciidanka waday, waxaana loo malaynayaa in weerarkaasi loogu talo galay ciidamada.

Nuur Axmed,  oo wade ka ah mid kamid ah gawaarida dadweynaha ee isticmaala waddaas ayaa wakaalada Reuters u sheegay in gaariga miinada lala eegtay uu dhaafayay gaari kale oo ay ciidan saran yihiin, hase yeeshee kii askarta ay la soctay uusan waxba soo gaarin.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya bur-bur xooggan oo soo gaaray gaarigii rakaabka waday, iyadoo la sheegayo in dhammaan dadkii la socday ay dhammaantood geeriyoodeen islamarkaana jirkoodu aad u googo'ay iyadoo aan lakala garankarin wajiyadooda.

Tirada dhimashada ayaa khilaf kasoo baxayaa waxaana wararka qaybtiis sheegayaan inay dhinteen 20 ruux, halka kuwo kale tilmaamayaan 18 qof.

Majirto cid ilaa hadda sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM