Faah faahin: qaraxii Muqdisho lagula beegsaday wafdiga UAE

Image

June 24, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax is-miidaamin ahaa oo maanta duhurkii ka dhacay meel u dhow fagaaraha Tarabuunka ee ku yaalla degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Qaraxa waxaa lala beegsday kolonyo galbinaysey wafdi ka socda dalka Imaaraadka Carabta. 

Gaari nooca Soomaalidu u taqaan "Cabdi Bilaha" ah oo ay la socdeen askar wafdigaas ilaalo ahayd ayaa waxaa ku dhacay gaari kale oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey kaasoo labo qof oo isa soo miidaamiyey la socdeen,

Inta la ogyahay waxaa weerarkaas ku geeriyoodey 12 qof, oo siddeed kamid ahi ay rayid ahaayeen. Goobta qaraxu ka dhacay waxaa ku dhoweyd leebaajo gawaarida lagu dhaqo oo aad u mashquul badan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in aysan wax dhibaato ahi soo gaarin xubnihii ajnebiga ahaa ee la bartilmaameedsaday.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, waxayna ku tilmaantay inuu ahaa mid sidii loogu talo galay u dhacay.

Hay'adaha amniga ee Dowladda Federaalku ilaa iyo hadda wax war ah kama soo saarin qaraxa maanta ka dhacay fagaaraha Tarabuunka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baydhabo

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka.

  • Soomaliya

    06-04-2026

  • 03:20PM