Faah faahin: qaraxii Muqdisho lagula beegsaday wafdiga UAE

Image

June 24, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax is-miidaamin ahaa oo maanta duhurkii ka dhacay meel u dhow fagaaraha Tarabuunka ee ku yaalla degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Qaraxa waxaa lala beegsday kolonyo galbinaysey wafdi ka socda dalka Imaaraadka Carabta. 

Gaari nooca Soomaalidu u taqaan "Cabdi Bilaha" ah oo ay la socdeen askar wafdigaas ilaalo ahayd ayaa waxaa ku dhacay gaari kale oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey kaasoo labo qof oo isa soo miidaamiyey la socdeen,

Inta la ogyahay waxaa weerarkaas ku geeriyoodey 12 qof, oo siddeed kamid ahi ay rayid ahaayeen. Goobta qaraxu ka dhacay waxaa ku dhoweyd leebaajo gawaarida lagu dhaqo oo aad u mashquul badan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in aysan wax dhibaato ahi soo gaarin xubnihii ajnebiga ahaa ee la bartilmaameedsaday.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, waxayna ku tilmaantay inuu ahaa mid sidii loogu talo galay u dhacay.

Hay'adaha amniga ee Dowladda Federaalku ilaa iyo hadda wax war ah kama soo saarin qaraxa maanta ka dhacay fagaaraha Tarabuunka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM