​Faah-faahin weerarka Muqdishu

Image

MUQDISHU- Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyooday 5 ruux oo ku jiraan carruur Iskuul katimi, waxaan dhaawacmay 7 kale kadib qarax xooggan maanta ka dhacay nawaaxiga xarunta gobolka Banaadir ee Officio Governo.

Saraakiil katirsan wasaaradda amniga Somalia ayaa xaqiijisay khasaaraha, waxaynta intaasi raaciyeen in qaraxu ka dhashay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaasoo lagu sii diyaariyay islamarkaana la dhigay maqaayad ku dhaw xarunta gobolkaasi.

Dhinaca kale waxa falkaasi ka hadlay Afhayeenka gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in weerarkasi lagu dilay 5 ruux oo isugu jiray Carruur iskoolley ah iyo caseeyayaal, halka dhaawaca oo uu sheegay inay yihiin 7 qof.

“Anigu weerar ma dhihi karo laakiin wuxuu ahaa qarax doqomeed kooxda UGUS doonayeen inay ku waxyeelleeyaan shacabka Somaliyeed, runtii siday doonayeen uguma fulin, waxaanse u sheegayaa inay diyaar yihiin ciidamii la dagallamayay, qabanayay iyagoo miinooyinka aasaya. Waxaana imaan doonta waqti Shabaab laga sifeeyo Somalia," Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka gobolka Banaadir.

Falkan, waxaa sheegtay ururka Shabaab oo barahooda taageera ku faafiyay inay ku dileen qaraxaasi toboneeye katirsan ciidanka dowladda Somalia.

Weerarkan, ayaa kusoo beegmay xilli uu socdo shirka madaxda Somalida ee looga hadlayo doorashada dalka ka dhacaysa 2016 iyo xaaladda amni, waxaana wararku sheegayaan in shirka loo wareejiyay xarunta Xalane sababo amni darteed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM