Faah faahin: weerarkii xarunta Wasaaradda Waxbarashada

Image

April 14, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar maanta lagu soo qaadey xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowdey qarax ka dhacay bannaanka hore ee dhismaha, waxaana intaas kadib gudaha u galay afar nin oo ku hubeysnaa bumbooyinka gacanta laga tuuro iyo qoryaha daran doorriga u dhaca.

Qaraxa ka dhacay bannaanka waxaa ku dhintey ku dhowaad toban qof oo u badnaa rayid waxaa sidoo kale ku dhaawacmey in ka badan shan iyo toban qof oo kale.

Dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmey ayaa u badan dad rayid ah oo ku sugnaa maqaayad ku dhow dhismaha la weeraray iyo dad kale oo la socdey gaari bas ah.

Ciidamada nabad-sugidda iyo kuwa AMISOM ayaa durbadiiba goobta soo gaarey, waxayna ku guuleysteen inay xaaladda si dhaqso ah ku xakameeyaan.

Warar kale oon la xaqiijin ayaa sheegaya in hawlgalku weli socdo, islamarkaana qaar kamid ah raggii weerarka soo qaadey weli dhismaha wasaaradda dhexdiisa ka dagaallamayaan.

Mas'uuliyadda weerarkan waxaa sheegtay ururka Al-shabaab, wuxuuna noqonayaa weerarkii labaad ee muddo bil gudaheed ah Al-shabaab ka fuliso magaalada Muqdisho.

Wixii warar ah oo kasoo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM