Faahfaahin: Ciidamada dowlada oo dib ula wareegey Afgooye kadib khasaare badan

Image

AFGOYE, Somalia - Ugu yaraan 20 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhimatay, tiro intaasi ka badan way ku dhaawacmeen Weerar Culus oo Dagaalyahanada Al shabaab galabta ku qaadeen degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Al Shabaab oo Mudo saacado ah qabsaday degmada Afgooye, markii ay ciidamada dowladda Soomaaliya ay uga awood roonaadeen dagaal uu la socday Qarax ismiidaamin ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wada socda, oo ka yimid dhanka Muqdushu ayaa dib ula wareegay Saldhiga Booliska iyo xarunta maamulka Degmada Afgooye, iyadoo wararka ay sheegayaan in wali Al shabaab ku sugan yihiin xaafado katirsan degmada.

Mas'uul ka tirsan maamulka degmada Afgooye, oo la hadlay Garowe Online, ayaa sheegay in Dagaalka ay ku dhimatay dad badan oo ay kamid yihiin Col.Axmed Cabdulle Garod iyo Maxa'ed Daahir Qooley, oo ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay Weerar Afgooye ku dishay in ka badan 35 Askari, sidoo kalena Hub iyo Gaadiid dagaalka ka qabsadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Weerarkii maanta ee ka dhacay Afgooye, ayaa ahaa mid aad u culus, oo Khasaaro xoogan u geestay Askar iyo Shacab, waxaana uu dhacayaa xilli dalka ay ka socdaan Doorashooyinka Baarlamaaniga ah.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM