Faahfaahin ku saabsan weerarkii Al-shabaab ku qaaddey Wanlaweyn

Image

March 11, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar saqdii dhexe ee xalay kooxo Al-shabaab ka tirsani kusoo qaadeen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in weerarkii xalay dhacay lagu diley hal askari iyo qof kale oo rayid ahaa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalyahannadii Al-shabaab ee magaalada soo galay ay muddo kooban ku sugnaayeen saldhigga booliska iyo xarunta maamulka degmada balse waxyar kadib ay dib magaalada uga baxeen.

Mar la weydiiyey sida ay Al-shabaab ugu suurogashay inay si fudud degmada usoo weeraran muddana ku sugnaadaan wuxuu sheegay in kooxda weerarka soo qaadey ahayd koox firxad ah oo kusii jeedey dhanka gobolka Hiiraan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"nimanka magaalada soo weeraray ma ahayn kuwo ujeedkoodu dagaal ahaa, balse waxay ahaayeen kuwo firxad ah oo doonayey inay dhacaan goobaha ganacsiga si ay sahay uga qaataan kuna sii jeedey dhanka Hiiraan" ayuu yiri.

Dhanka kale, qof rayid ah oo qariyey magaciisa sababo ammaan dartood ayaa u sheegay VOA in dagaalyahannada Al-shabaab xalay abbaare 1:30 saqda dhexe magaalada kasoo weerareen dhanka koonfurta, iyagoo magaalada ku sugnaa ilaa uu waagu ka baryey.

Al-shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyey kordhisey weerarrada qorsheysan ee lagu soo qaadayo magaalooyinka, waxaana xusid mudan in bishii February ee lasoo dhaafey labo weerar oo caynkan oo kale ahaa ay ka dhaceen magaalada Bosaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay heshiis qarsoodi ah la gashay Sweden

Beenintan ayaa ku soo aadeysa xilli Wasiirka Gaashaandhigga Sweden, Pål Jonson, uu booqasho ku joogo Muqdisho shalay.

  • Soomaliya

    08-10-2025

  • 02:08PM

Dowladda Soomaaliya oo Qorsheyneysa Inay Ku Darto Af-Swahili Manhajka Waxbarashada dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in jaamacadaha dalka ay hormuud ka noqdaan barashada iyo faafinta afka Swahili-ga.

  • Soomaliya

    08-10-2025

  • 01:06PM