Faahfaahin qarax ka dhacey xarun lagu ururiyo cashuurta oo ku dhow dekada Muqdisho

Image

MUQDISHU, Somalia - Ugu yaraan 15 ruux, oo shacab u badan ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ah oo saakay aroortii lagu qaadey xarun lagu ururiyo cashuraha oo ku taaley goob ku dhow albaabka hore ee dekada magalada Muqdishu.

Capt. Maxamed Xussen, oo ah Sarkaal katirsan Booliska Soomaaliya ayaa GO u xaiijiyay  geerida 15-ka qof, wuxuuna intaasi ku daray inay jiraan ku dhawaad 20 kale oo dhaawacyo kala duwan soo gaarey. 

Saraalka Booliska ayaa sheegay in Gaari wayn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dhuftay saldhig ay ciidamada Booliska ku qaadaan lacago canshuur, waxaana halkaasi ku sugnaa xilliga qaraxa dad badan oo ay ku jiraan shacab marayay wadada, Caruur Caseeyiyaal ah iyo shaqaale ka xamaasha dekedda ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay, kuna dhaawacmay weerarkaas. 

Mas'uuliyada weerarkana ayaa waxaa sheegatay kooxda Al shabaab. 

Weerarkaan kadib ayaa la hakiyey dhamaan  howlaha Dekedda, waxaana socdo baaritaan xoogan. 

Dhinaca kale waxaa bubur soo gaarey dhismayaasha  ku yaalla dekedda gudaheeda kuwasoo inta badan daaqaduhu ka daateen, iyadoo dhawaqa qaraxa laga maqlay saakay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdishu. 

Shalay qaraxa sidan oo kale ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Siinka Dheere, oo lala eegtay saldhiga ciidamada NISA halkaasi ay ku baaraan baabuurta gashay Muqdishu, waxaana weerarka ku dhintay 10 qof.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xiisad Kacsan oo Koonfur Galbeed ka Taagan iyo Ciidamada DFS oo Magaalo oo La Wareegay

Madaxweyne Laftagareen ayaa noqday hoggaamiye kale oo maamul goboleed oo hakiya xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 08:01AM

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM