Faahfaahin qarax ka dhacey xero ciidan oo ku taal Kismayo

Image
Image
Image

22 August, 2015 (GO)- Ugu yaraan waxaa ku dhintey 15 askari qarax saaka ka dhacey xero ciidamada Jubaland ee ka tirsan Federaalka lagu tababarayey kadib markii gaari nooca loo yaqaan NOHA isku qarxiyey irrida hore ee xaruntaas.

Qaraxan ayaa dhacey xili askarta xerada ku jirtey tababar ugu socdey godaheeda iyadoo khasaare balaaran soo gaarey halkaas.

Ciidamada AMSOM oo ka hadley qaraxaan ayaa sheegey in askar gaaraysa 3 kaga dhaawacmeen.

Dhinaca kale waxaa lagu xirey sarkaal ka tirsan ciidamada xerada lagu tababarayey isagoo la sheegey in gaarigaan qarax sameeyey ka dagey daqiiqada ka hor.

Khasaaraha ayaa intaas ka badan kara iyadoo wararku sheegayaan iyadoo dhimashada iyo dhaawaca intaas ka badan karto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM