Faahfaahin weerarkii ka dhacey makhaayad ku taal xeebta Lido

Image

MUQDISHU: Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatey halka ay ku dhaawacmeen 20 kale weerar qarax la socdo oo koox dabley ah kusoo qaadey Makhaayad ku taal xeebta Lido magaalada Muqdishu.

Weerarkaan ayaa ku bilowdey qarax lala beegsadey Makhaayadaan kadib waxaa weerar ku soo qaadey koox dabley ah oo lagu sheegey in tiradooda aheyd 5 qof.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaan uu ku dhaawacmey wariyihii laanta Af-Somaliga BBC-da Maxamad Ibraahim Macalimu, halka la sheegayo in dhaawaca kasoo gaarey madaxa.

Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa cambaareeyey weerarkaan isagoo ku tilmaamey mid axmaqnimo ah oo bini'aadnimada ka baxsan.

Hotelkaan oo ay isugu imaan jireen saraakiisha dowlada, dadka qurbo joogta iyo dhalinyarada magaalada Muqdishu ayaa waxaa suurtagal ah in dhimashada iyo dhaawaca intaas ka bato madaama gudaha makhayadaan madax furasho ahaan kooxdaan dad ugu haysteen in muddo ah.

Afhayeen u hadley ururka Al-shabaab ayaa sheegtey mas'uuliyada weerarkaan iyaga oo xusey in bartilmaameedsanayeen saraakiil ka tirsan dowlada Federaalka oo halkaas ku sugneyd.

Weeraradaan ayaa ku soo beegmaya xilli ururka Al-shabaab burburiyeen xero ciidamada Kenya ku lahayeen Koonfurta Somalia halkaasoo ku dileen tiro badan oo ka tirsan xoogaga AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM