Faarax Cabdulqaadir oo la filayo in loo magacaabo nabad sugidda Somalia

Image

MUQDISHO, March 5, 2015 ( GO)- Wararka ku dhow aqalka Villa Somalia ayaa sheegaya in la filayo maalmaha soo socda taliyaha ciidamada nabad sugidda Dowladda Federaalka loo soo magacaabo Farax Shiikh Cabdulqaadir oo horey u ahaan jirey wasiirka cadaaladda iyo dastuurka ee Dowladda Federaalka ah.

Farax Shiikh Cabdulqaadir oo barlamanka Somalia diidey in golaha wasiirrada ee xukuumadda Cumar Cabdirashid lagu soo daro ayaa sida la rumeysan yahay awood siyaasdeed ku leh xafiiska Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Magacaabistaan oo la filayo in dhowaan lagu dhawaaqo ayaa imaaneysa kadib markii malmihii ugu dambeeyey soo baxayeen warar sheegaya in xiriirka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Farax Shiikh Cabdulqaadir uu xumaadey.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in dhowaan la magacaabo taliyaha ciidamada booliska Dowladda Federaalka iyadoo la  saadaalinayo in xilkaas uu qabto mid kamid ah wasiirradii horey xilalka uga waayey xukuumadda Cumar Cabdirashid.

Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Dasturka Farax Cabdulqaadir oo gabi ahaanba aan laheyn khibrad dhinaca nabad sugidda ah ayaa magacabistiisu imaaneysaa xilli kooxda Al-shabaab weerarro khatar ah ka geysaneyso goobaha dadku isugu yimaado.

Xilka taliyaha ciidamada nabad sugidda Somalia waxaa horey u soo qabtey Cabdulahi Sanbaloshe balse waxaa laga eryey kadib markii khilaaf soo kala dhex galey xukuumaddii hore ee Ra'isal Wasaare Cabdiweli Shiikh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM