Fadhigii Baarlamaanka ee maanta oo fawdo kusoo gaba gaboobay

Image

November 11, 2014 (GO)- Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyey fadhigii baarlamaanka Dowalda Federaalka oo sida qorshuhu ahaa maanta xildhibaanada loogu qaybin lahaa mooshinka laga keenay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka ayaa bilaabay inay buuqaan waxyar  kadib markii Af-hayeenka Baarlamaanku isku dayey inuu kulanka furo, iyagoo ku dhawaaqayey  " dooni mayno in lacag darteed lagu codeeyo", mudo kooban kadibna waxay la wareegeen waraaqihii mooshinku ku qornaa ee xildhibaanada loo qaybin lahaa iyo weliba liiskii lagu xaadirin jirey xildhibaanada.

Gudoomiye Jawaari ayaa ugu dambeyntii soo xiray kulanka isagoo sheegay in maalinta berri ah dib loogu dhigi doono islamarkaana ku goodiyey in lala xisaabtami doono xildhibaanada kulankii baarlamaanka ee maanta fowdeeyey, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo dhowr mar oo hore gacmaha isula tegey, waxaa laga cabsi qabay inay maanta mar kale isu gacan qaadaan, waana sababta keentay in ciidamo badan oo boolis ah lasoo dhoobo banaanka iyo gudaha xarunta baarlamaanka.

Beesha caalamka ayaa horay walaac uga muujisay mooshinka xiligan laga geynayo xukuumada, maadaama sida la saadaaliyey uu horseedi doono in khilaafka siyaasadeed ee jiraa sii xoogeysto islamarkaana dib u dhacaan qorsheyaal badan oo la fulin lahaa inta ka horeysa sanadka 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM