Soomaaliya: Qofkii labaad oo UN-ka u shaqeeya oo qaadey Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in shaqaale caalami ah oo u howlgala shirkad gaar loo leeyahay oo UN-ka qandaraas kula jirta uu qaadey Coronavirus.

Shaacintaas timid Sabtida maanta ah ayaa ka dhigeysa qofkii labaad oo u shaqeeya UNSOM oo uu soo ritay xanuunka dilaaga ah ee Covid—19.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka uu arkay GO, shirkadda oo aan la magacaabin waxay ka howlgashaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan oo loo garan-og-yahay Aadan Cadde.

Bukaanka oo la hakiyey bartamihii bishii Maaj ee sanadkan 2020 ayaa tan iyo xiligaas ku jira karan-tiil, sidda ku xusan bayaanka.

Guud ahaan waddanka, saddex ruux oo ajnabi ah ayaa laga helay fayruska, laba kamid ah waxay joogaan Muqdisho, halka kan kale oo u dhashay Shiinaha uu ku sugan yahay Somaliland, wallow shaki la geliyey.

Drs Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay warka qoraalka ah in ay goor sii horeysay oo maanta ah lagu wareejiyay natiijada kasoo baxday tijaabada laga qaadey bukaanka cusub.

Tirada guud ahaan kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya ayaa haatan mareysa todoba, iyaddoo hal ruux uu kasoo kacay, sidda ay sheegtay wasaarada caafimaadka, oo meesha ka saartay in ay jirto geeri.

Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa horey u balanqaadey in ay ka caawineyso Soomaaliya la dagaalanka cudurka safmareenka ah, kaas oo illaa iyo haatan dunida oo idil ku galaaftay ku dhowaad 60-kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM