Farmaajo oo ka hadlay qaraxii Garowe iyo dilka gudoomiyaha gobolka Nugaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Villa Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Farmaajo uu khadka taleefonka kula hadlay Madaxweynaha dawladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kadib qaraxii ismiidaaminta ee xalay fiidkii ka dhacay magaaladda Garowe.

Farmaajo ayaa Deni uga tacsiyeeyay geerida allah ha u naxariistee gudoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi [Gu'jir], isagoo sidoo kale caafmaad deg-deg ah ALLE uga rajeeyay dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay afaafka saldhigga booliska magaaladda Garowe.

Weerarka waxaa mas'uuliyadiisu sheegtay kooxda Al-Shabaab, oo mudooyinkii dambe u muuqata inay bedelaysay qaabka ay u fuliso qaraxyada, oo u bedeshay kuwa Ismiidaamin shaqsi fuliya, kadib markii ay ku qaadkaaday kuwii baabuurta.

Dawladda Puntland ayaa ku amaray ciidamada inay adkeeyaan amniga, iyadoo shacabka ka dalbatay inay feejignaadaan, islamarkaana la wadaagaan hay'adaha amaanka wax kastoo ay ka shakiyaan, si looga hortaggo falalka argagaxiso.

Qaraxii xalay ayaa waxaa geystay qof isku soo xiray walxaha qarxa kaasoo beegsaday gaari ay saarnaayeen gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo taliyihii hore ee booliska gobolka xilli ay ku sugnaayeen irida saldhigga Garowe.

Kooxda Al-Shabaab oo saldhigyo ku leh buuraha gobolka Bari ayaa inta badan magaalooyinka Puntland ka fulisa falal ay ku doonayso inay ku khalkhal geliso amniga iyo xasiloonida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM