Farmaajo oo ka hadlay xaalada Nuur Cadde, fariina u diray shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo duubay muuqaal uu uga hadlayo xaalada Coronavirus ayaa soo hadal-qaadey xaalada caafimaad ee ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya.

Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] oo in ka badan todobaad kahor laga helay xanuunkaas ayaa yaala Isbitaal ku yaala caasimadda Ingiriiska ee London.

Farmaajo ayaa soo kabasho deg-deg ah wuxuu u rajeeyay Nuur Cadde, oo xaaladiisa caafimaad la tilmaamay in ay wanaagsan tahay.

"Waxaa nagu maqaalo ah ra'iisul wasaarihii hore, mudane Nuur Cadde, in uu u xanuunsan yahay isbitaalna uu u yaalo cudurkaan, Ilaaheyna waxaan uga rajeyneynaa in uu caafimaad deg-deg ah siiyo, kuwa kalena ee Soomaaliyeed iyaguna ee xanuunsanna in uu Ilaahey uga kiciyo si dhaqsiya ah," ayuu Farmaajo ku yiri muuqaalka oo soconaya ku dhowaad saddex daqiiqo.

Dhanka kale, hogaamiyaha dalka oo adkeeyay in ay wanaagsan tahay ka hortagga xanuunka halkii la daaweyn lahaa marka uu qofka qaado ayaa shacabka ku booriyey in ay raacaan talooyinka looga baaqsan karo.

Joojinta kulamada ama isu-imaatinada, gacan-qaadka ama salaanta, iyo nadaafada oo lagu dedaalo ayaa kamid ah qaababka looga badbaadi karo fayruska.

Gudaha waddanka, waxaa la xaqiijiyey saddex kiis oo laba kamid ah ay yihiin muwaadiniin Soomaali ah, halka shaqsiga oo ah ajnabi ah ka tirsan howladeenadda xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Dadweynaha ayuu cod dheer ugu booriyey in ay u hogaan-samaan amarada iyo talooyinka la xiriira xanuunka ee xoojinata badqabkooda.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha ayaa wuxuu ALLE ka tuugay in uu cudurka ka dulqaado dunida oo dhan. Marka laga hadlo caalamka, caabuqaas wuxuu galaaftey in ka badan 25 kun oo ruux, iyaddoo uu ku dhacay kumanaan kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM