Farmaajo oo ka qeybgalay shir muuqaal ah oo looga hadlay Corona

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kala qeyb galay Madaxda dalalka IGAD shir deg-deg ah oo ay kaga arrinsanyeen khatarta cudurka Koroona ayaa ka warbixiyey dadaallada mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu istaageen ka hortagga cudurkan.

Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku xiriireen mareego gaar ah oo internetka ah (Video-conference) ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD xaaladda badqabka caafimaad ee dalka, halista muuqata ee ka dhalan karta cudurka Koroonaha iyo baahiyaha qalabka caafimaad ee muhiimka u ah daryeelka bukaannada cudurkaas.

Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolka lagu garab istaago dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo xakameynta cudurka Koroonaha, sidoo kale waxa ay isla qaateen in lagu dhiirri geliyo xirfadleyaasha caafimaad ee ka soo jeeda dalalka IGAD ee ku sugan qurbaha in ay ka qeyb qaataan samata-bixinta dadkooda.

Sidoo kale, waxa ay isla garteen in la sameeyo qorshaha isku-dubaridka iyo xoojinta iskaashiga dhammaan wadamada IGAD ay kaga hortagayaan cudurka Koroona, iyada oo la is-dhaafsanayo khibradaha, qorsheyaasha wacyi-gelineed iyo guud ahaan xogta ku saabsan cudurkan.

Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha ka qeyb galay shirkan ayaa diiradda saaray hannaanka loo aasaasi lahaa sanduuq dhaqaale oo heer IGAD ah, kaas oo wax lagaga qabto xaaladaha deg-degga ah ee la soo gudboonaada dalalalka Gobolka.

Shirkan deg-degga ah ee IGAD waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyna dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuro Kenyatta, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan Mudane Riek Machar, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamdook, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Musaveni iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebyehu.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Ciidamada Koonfur Galbeed oo qabtay afar ku eedeysane dil naxdin leh oo ka dhacay Wanlaweyn

Dhacdadan ayaa mar kale soo cusbooneysiisay walaaca laga qabo kororka dilalka aargudashada iyo dagaallada beelaha ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 01:01PM

Fiqi oo sheegay in DFS tirada Ciidanka gaarsiinayso 100,000-askari si ay ula dagaallanto Al-Shabaab

Intii uu la hadlayey xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka, Fiqi wuxuu yiri, “Inta ay jiraan ciidamo shisheeye oo dalka jooga.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 09:27AM