Farmaajo oo lagu eedeeyay "jabinta" amarkii Rooble

Image
Cismaan Nuur Xaaji [Macalimuu], guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, ayaa maanta la hadlay saxaafada. [Photo: Screenshot]

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu jebiyey amarka uu ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble kasoo saarey in aan is-hor-taag lagu sameyn karin shaqsiyaadka isaga kala gooshaya gobolada dalka gaar ahaan musharaxiinta.

Cismaan Nuur Xaaji [Macalimuu], guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo Jimcada maanta ah war-fidiyeenka kula hadlay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa tibaaxay in loo diidey in uu ka dhoofo madaarka Aadan Cadde isaga iyo wafdi uu hogaaminayey.

Macalimuu oo warar aan wali la xaqiijin sheegayaan in uu u ordayo kursi Xildhibaanimo ayaa caddeeyay in xayiraada socdaalkiisa ay ka dambeyso hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA.

Taliye ku xigeenka NISA, Cabdullaahi Kulane, ayuu si gaar ah ugu eedeeyay in uu bixiyey amarka lagu carqaladeeyay safarkiisa "kaasoo ka amar-qaata Farmaajo".

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayuu cod dheer uga dalbadey in uu talaabo deg-deg ah ka qaado Kulane "kuna qanciyo shacabka Soomaaliyeed in uu xasaanadda uu ku faanayo ka xayuubiyo ninkan la adeegsanayo".

"Waxaan leeyahay ra’iisul wasaaraha aduunka waxaa ugu xun qofka awooda uu leeyahay in la isticmaalo. Maanta ra’iisul wasaaraha waxaa u banana laba qodob; in uu is-casilo oo xilka uu baneeyo [maxaa yeelay] bulshadda Soomaaliyeed isaga ayay fiirsaneysaa iyo amarka uu habeen hore bixiyey oo uu lahaa talaabo ayaan qaadayaa oo uu dadka ku qanciyo in uu xilka ka qaado Cabdullaahi Kulane iyo wax walba oo dhibaato kawada meesha," ayuu tibaaxay.

Xilli uu ka dhawaajiyey in kalkii hore ay Muqdisho ugu yeertay Villa Soomaaliya, siyaasi Macalimuu ayaa tibaaxay in todobaadii bilood ee lasoo dhaafay uu caasimadda ugu xayirnaa NISA isla markaana ku dhowaad afar jeer laga celiyey garoonka.

Kulane oo loo aqoonsan yahay in uu yahay "maamulaha qarsoon ee Farmaajo u wakiishay arrimaha gobolka Gedo" ayuu ku nuux-nuux-sadey in uu mudadii Rooble ku sugnaa Garbahaarey uu "odayaasha saxda ah" u diidey la kulanka wasiirka koowaad.

Khamiistii todobaadkan ayay ahayd markii Rooble oo warbixin ka guddoomay guddiga xalinta xiisadda gobolka Gedo uu si cad ugu wargeliyey hay’addaha ammaanka uusan u dulqaadan doonin in muwaadin ama musharaxiinta loo diido in ay olole u tagaan degaan doorashooyinkoodda.

Inkasta oo aysan wali Madaxtooyadda Soomaaliya ka jawaabin eedeyntan, haddii la xaqiijiyo in Farmaajo uu ku lug-leeyahay jebinta amarkii ra'iisul wasaarihii uu magacaabay waxay bilow u noqon kartaa dildilaac soo dhex-gala kalsoonida labada dhinac oo horey loo sheegay in ay liidato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Jama ayaa goobjoog ahaa munaasabadan.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 12:07PM

Soomaaliya iyo IMF oo ka shiray maalgelinta la helo karo kadib deyn cafinta

Kukankan gaarka ah ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 06:19AM