​Farmaajo oo Muqdishu lagusoo dhaweeyay [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'isal wasaarihii hore Somalia ahna murashax u taagan xilka Madaxweynaha dalka, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdishu, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen boqolaal dadweyne ah.

Laamaha ammaanka ayaa saakadii hore taageerayaashiisa u diiday inay gudaha u galaan gaaroonka diyaaradaha Aadan Cadde, balse waxay ku sugeen afaafka madaarka halkaasoo ay uga soo galbiyeen hoygiisa.

Mar uu hadal kooban warbaahinta siiyay, wuxuu aad uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay isagoo tilmaamay inuu filayo is-badal suuban oo dalka Somalia ka dhaca doorashada soo socota.

Farmaajo, ayaa fariin u diray siyaasiyiinta Somalida gaar ahaan ragga hadda u ordaya inay qabtaan hogaanka dalka u sareeya, isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan taageerada ay weydiisanayaan dalalka shisheeye, wuxuuna ku booriyay inay iimaansadaan dadkooda iyo dalkooda.

Murashaxan, ayaa xusay in waddanka iska leeyihiin Somali oo kaliya, masiirkiisa iyagu go'aan ka gaarayaan gaar ahaan xildhibaanada dhawaan la doortay, kuwaasoo sheegay inay huwanyihiin magaca iyo codka dadka.

Socdaalkiisan oo kaga yimid waddanka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi, ayaa kusoo aaday xilli murashaxiin badan ku suganyihiin Muqdishu, kuwaasoo noqday rajo ku nool aan ogayn waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada dalka oo dhowr jeer dib u dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM