​Farole oo hambalyo u diray madaxda maamulka Hir-Shabeelle [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Murashaxa madaxweynaha Somalia, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole ahna Xildhibaan ka tirsan aqalka sare Federaalka ayaa hambalyo u diray madaxda maamulka cusub ee Hir-Shabeelle kadib mar uu maanta khadka Taleefoonka kaga qayb galay xaflad caleemo saar oo ka dhacday degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Farole, ayaa sheegay inuu bogaadin u dirayo madaxda la doortay isagoo kula dar-daarmay inay noqdaan rag kasoo baxa arrimihii loo igmaday, wuxuuna aad ugu dheeraaday sidii looga shaqayn lahaa isu soo celinta shacabka Somaliyeed, isagoo ka codsaday inay noqdaan maamul isu soo dhaweeyay dhammaan bulshada ay masuulka ka yihiin gaar ahaan kuwa ku dhaqan deegaanada ay ka taliyaan iyo gobollada ka agdhow.

Murashaxa ayaa sidoo kale xusay in maanta Somalia u baahantahay sidii looga saari lahaa dhibka mudada dheer ay ku jirtay, wuxuuna dhammaan maamullada waddanka ka jira ugu baaqay inay si wadajir ah u xalliyaan khilaafaadka jira.

Arrintan magaalada Galkacyo, ayuu soo hadal qaaday, isagoo dhinacyada Puntland iyo Galmudug ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii xaaladda xarunta gobolka Mudug loo dajin lahaa, wuxuuna sheegay in aan maanta loo baahnayn colaad iyo dhiig ku daata gobolka.

Farole, ayaa hadalkiisu qayb ka ahaa mas'uuliyiin badan oo ugu horeeyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday kuwaasoo lagu casuumay inay ka qayb galaan caleemo saarka madaxda maamulkaas oo la doortay todobaadkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM