Farole oo tacsi ka diray geerida Xaaji Axmed Saalax

Image

24 August, 2015 (GO)- Madaxwaynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole oo maanta la hadlayay Radio Garowe ayaa tacsi u diray allaha u naxariistee Xaji Axmed Saalax Shirbeeyo oo ku geeriyooday magalada Hargaysa.

Farole ayaa sheegay marxuum Shirbeeye inuu ka mid ahaa ganacsatadii ugu waa weynayd ee Hargaysa xilligii dalka ka talinaysay dowladdii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre.

Waxa uu madaxwaynuhu tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Xaaji Axmed, sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu ka mid ahaa shaqsi miisaan leh oo saaxibo dhow ahaayeen.

Xaaji Axmed ayaan kasoo jeeday Gobalka Sanaag gaar ahaan magalada Baran, waxana lagu wadaa in lagu aaso saacadaha soo socda Hargaysa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM