Fatiha Serour iyo wafdi la socda oo gaarey Kismayo

Image

Arbaco, September 10,2014 [ GO]- Wafdi ay hogaamineyso ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia, Fatiha Serour ayaa maanta gaartay magalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Madax ka tirsan maamulka Jubbaland oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Suldaan Cabdiqaadir Luga-dheere ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay ku-xigeenka u qaaybsamaha arrimaha Somalia QM.

Kulan ayaa dhex maray Fatahi Serour iyo Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland ayadoo laga wada hadlay arrimo dhowr ah oo kamid ah dardar gelinta hanaanka dib u heshiinita ee hadda ka socda Kismaayo.

Dhanka kale waxaa laga wada hadlay xoojinta dagaalka Jubbaland iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Jubbooyinka kula jiraan Al-Shabaab ayadoo madaxda maamulka sheegeen hawlgalo ka dhacay duleedka Kismaayo maalmihii la soo dhaafey.

Safarka Fatiha ee ay ku gaartay Kismaayo maanta ayaa ku soo beegmaya xili Madaxweyna maamulka Axmed Madoobe iyo  ku xigeenka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil maqan yihiin ayagoo hawlo shaqo ku jooga magalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM