Fiqi iyo Guuleed oo isugu soo haray wareegga 3aad ee doorashada

Image

July 4, 2015 (GO)- Wareeggii labaad ee doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ee ka socota magaalada Cadaado ayaa mar dhow soo gaba gaboobey.

Saddexdii murashax ee codadka ugu badan ka helay wareegga koowaad ayaa ku tartamay wareeggan, waxayna codadka u kala heleen sidan:

  1. Cabdikariim Xuseen Guuleed, wuxuu helay 42 cod.
  2. Axmed Macallin Fiqi, wuxuu helay 32 cod.
  3. Axmed Cabdisalaan Xaaji, wuxuu helay 15 cod.

Maadaama saddexda murashax midna helin codadka aqlabiyadda xildhibaannada baarlammaanka oo tiradooda guud tahay 89, waxaa laysla aadey wareeg saddexaad oo ay ku tartami doonaan Axmed Maaxmed Fiqi iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa la saadaalinayaa in kusoo baxo doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baydhabo

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka.

  • Soomaliya

    06-04-2026

  • 03:20PM