​Gaafow oo joojinaya duulimaadyada Hargaysa

Image

MUQDISHU-Taliyaha laanta socdaalka Somalia Cabdullaahi Maxamud Gaafow ayaa ka hadlay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa kaasoo qaab KMG ah loogu joojinayo dulimaadyada diyaaradaha isaga kala goosha magaalooyinka Hargaysa iyo Muqdishu. 

Gaafow oo waraysi siiyay laanta Afka Somaliga VOA ayaa ka hadlay sababaha keenay arrinta xilli maamulka Somaliland iyo dowladda Federalka dhexyaalo khilaaf siyaasadeed, wuxuuna sheegay in tallaabadan timi kadib markii qaab sharci darro ah loo maalay duulimaadyada labada magaalo, isagoo ku eedeeyay xukuumadda Somaliland in dadka ku khasbayaan goosashada waraaqo dal ku gal ah, isla markaana lacago badan laga qaado. 

Taliyaha ayaa tilmaamay in arrintaas darteed la kulmeen shirkadaha duulimaadyada islamarkaana kala hadleen qaabkan uu dhaliilay, waxayna ku wargaliyeen in nidaamkaas dajisatay Somaliland kuna wargaliyeen inaysan u ollin dowladda Somalia. 

Qoralkan kasoo baxay xafiiks Gaafow ayaa qeexaya in 21 cisho ku joojiyaan duulimaadyada, taasoo ka bilaabameysa 22-ka bishan Febraayo, waxaana laanta socdaalka Somalia tibaaxday in qorshahan ku raadinayaan xal laga gaaro saluuga socdaaleed ee maamulkaas. 

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli warbaahinta iska eedeeyeen General Gaafow iyo wasiirka Arrimaha Gudaha maamulkaas Cali Waran-cadde, iyagoo isku dhaliilay qorshayaal la xiriira socdaalka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM