Gaas iyo Guuleed oo beri ku wajahan magalada Muqdisho

Image

06 December, 2015(GO)- Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa beri ku wajahan magalada Muqdisho, isaga iyo dhigiisa Galmudug Cabdikariin Xuseed Guuleed, ka dib markii lagu guulaystey xiisadii ka taagneyd Gaalkacyo.

Ahmiyada socdaalkooda Muqdisho ayay xogta GO heshey ku sheegaysaa inay ka qayb galayaan shirar looga hadlayo hiigsiga 2016, waxaa sidoo kale ka qayb galaya shirarkaasi madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo RW.Cumar oo weli ku sugan magalada Gaalkacyo.

Puntland iyo Jubbaland ayaa isku raacay in doorashada soo socota lagu saleeyo hab deegaan halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed aragtida shacabkooda lagu soo aruuriyayna sheegayso inay ku haboon tahay nidaamka afar dhibac shan.

Balse weli go'aan lagama gaarin habka loo wajahayo doorashada 2016, madaxwaynihii hore Puntland Dr.Cabdiraxmaan Farole ayaa sheegay inaysan macquul ahayn in dib loogu laabto nidaamka ku dhisan tahay dowladda hada jirtaa doorashadana lagu saleeyo hab deegaan.

Shirka lagu wado inuu ka furmo ayaa waxaa wadajir uga qayb galaya madaxda DFS, kuwa mamulada dalka sida Puntland,Gal-Mudug,Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa horay u sheegey inuusan aqoon sanayn dhismaha mamulka Gal-Mudug isla markasna uu ka hor imaanayo dastuurka dalka iyo nidaamkii lagu heshiiyay, hase yeeshee shirka Muqdisho ayay ka wada qayb gali doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM