Gaas oo hambalyadda ciida u diray shacabka Puntland

Image

October 3, 2014  (GO)-Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo maanta shir jaraa'id ku qabtay madaxtooaydda ayaa fariin ku aadan munaasibadda ciidal Adxaa u diray umadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland.

Gaas ayaa si gaar ah ula hadlay shacabka tuuladda Galgala wuxuna ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan dhulkoodii oo maalmo ka hor laga sifeeyay haraagii kooxda Al-Shabab.

”waxaan hambalyada ciidul adxaa u dirayaa dadweynaha Soomaliyeed meel walba oo ay joogaan,gaar ahaan dadweynaha Puntland ee aan madaxwaynaha u ahay in ay ku Ciidaan Ciid wanaagsan ,si nabadgelyo leh ,si farxad leh iyaga iyo ehelkooda ,caruurtooda iyo dhamaan qoysaskooda”

Docda kale madaxwaynaha Puntland ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay taageero lixaad-le u muujiyeen ciidanka qalabka sida si looga adkado kooxaha diidan nabadgalyadda iyo hormarka.

Suuqyadda waa wayn ee Puntland ayaa maanta oo Jimce ah laga dareemayaa u diyaar garowga ciida waxana mashquul ah wadooyinka waa wayn ee gaadiidka ay maraan taasoo loo sababaynayo xadiga dadka oo aad u faro badan.

Magalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan ee Puntland.

Malaayiin xujaay muslimiin ah ayaa maanta u taagan Banka Carafo si ay u gutaan waajibaadka Xajka oo ka mid ah tiirarka Islaamka,dadka sanadkan soo xajinaya waxaa ka mid ah madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cudur ka dilaacay Soomaaliya oo 120 qof ku dhimatay

Waxay sheegtay in heerka dhimashadu uu waxyar ka sarreeyo heerka heerka degdegga ah ee Ururka WHO oo ka yar ama la mid ah 1 boqolkiiba.

  • Soomaliya

    20-05-2024

  • 12:52PM

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM