Gaas oo la kulmey wakiilka Bankiga Aduunka ee Somalia

Image

January 28, 2015 (GO)- Madaxtooyada Garowe waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxa xafiiska Bankiga Aduunka ee Soomaaliya Hugh Riddel.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga Maxamed Cabaas Cumar iyo Agaasimaha Hay'adda Macdanta iyo Shidaalka Ciise Dhoolawaa.

Arimihii labada dhinac ka wada hadleen waxaa ugu muhiimsanaa sidii Bankiga Aduunku Puntland gacan uga siin lahaa bixinta mushaharaadka shaqaalaha dowlada oo qaarkood mudo sideed bilood ka badan wax lacag ah qaadan.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii Puntland looga taageeri lahaa dhanka wax soo saarka gaar ahaan mashaariicda lagu soo saarayo khayraadka dabiiciga ah.

Madaxa xafiiska Bankiga Aduunka ee Soomaaliya Hugh Riddel ayaa ballan qaadey inay si weyn u tixgelin doonaan codsiyada Puntland islamarkaana damaanad buuxda siin doonaan shirkadaha shisheeye ee doonaya inay Puntland maal gashadaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta ilaa shalay qaabiley wufuud tiro badan oo ka kala socotey dalalka Midowga Yurub, Maraykanka, China iyo Bankiga Aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM