Gaas oo la kulmey wakiilka Bankiga Aduunka ee Somalia

Image

January 28, 2015 (GO)- Madaxtooyada Garowe waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxa xafiiska Bankiga Aduunka ee Soomaaliya Hugh Riddel.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga Maxamed Cabaas Cumar iyo Agaasimaha Hay'adda Macdanta iyo Shidaalka Ciise Dhoolawaa.

Arimihii labada dhinac ka wada hadleen waxaa ugu muhiimsanaa sidii Bankiga Aduunku Puntland gacan uga siin lahaa bixinta mushaharaadka shaqaalaha dowlada oo qaarkood mudo sideed bilood ka badan wax lacag ah qaadan.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii Puntland looga taageeri lahaa dhanka wax soo saarka gaar ahaan mashaariicda lagu soo saarayo khayraadka dabiiciga ah.

Madaxa xafiiska Bankiga Aduunka ee Soomaaliya Hugh Riddel ayaa ballan qaadey inay si weyn u tixgelin doonaan codsiyada Puntland islamarkaana damaanad buuxda siin doonaan shirkadaha shisheeye ee doonaya inay Puntland maal gashadaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta ilaa shalay qaabiley wufuud tiro badan oo ka kala socotey dalalka Midowga Yurub, Maraykanka, China iyo Bankiga Aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM