Gabdho arday ahaa oo saaka magaalada Muqdisho lagu diley

Image

November 2, 2014 (GO)- Labo gabdhood oo arday ahaa ayaa goor hore oo saaka ah lagu diley degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Gabdhaha waxaa la toogtey xilli ay kusii jeedeen iskuul ku yaalla xaafada Mac-macaanka. Labo nin oo mooto (dhug-dhugley) watey kuna hubeysnaa baaskoolado ayaa la sheegay inay dilka geysteen.

Goobta uu falku ka dhacay daqiiqado kadib waxaa soo gaarey ciidamada booliska oo iyagu halkaas ka sameeyey baaritaan muddo kooban socdey. Boolisku kuma guuleysan inay falkaas cid usoo qabtaan, waxayse sheegeen in lagu raad joogo dhowr qof oo laga shekiyey.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in mid kamid ah labadaas gabdhood qaraabo dhow yihiin gudoomiyaha degmada Dharkeynley.

Shalay ciiidamada nabad-sugidda ayaa toogtey labo nin oo ka tirsanaa Al-shabaab, kadib markii suuqa Bakaara dhexdiisa askari ku dileen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM