Gacan ka-hadal dhexmaray guddoonka Barlamanka Somaliland

Image

12 September, 2015(GO)-Fadhigii golaha Barlamanka Somaliland ayaa waxaa ka dhacey gacan ka hadal, kadib markii guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi "Cirro" uu gacan u qaaday guddoomiye ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax.

Aqlabiyadda golaha wakiilada Somaliland ayaa mooshin ka keenay qaraar ku saabsan haamaha Shidaalka Somaliland oo horey Barlamanku u ansixiyay. Kulankaan waxaa shir guddoominayay Cabdiraxman Maxamad Ciro Cirro isaga oo ku wargaliyay in mooshinkaasi loo gudbin doono la taliyaha sharciga ee golahaasi isla markaana kulanku xiranyahay.

Arrintan waxaa ka dhashay buuq ay sameeyeen xildhibaanada mooshinkaan keeney kuwasoo sheegey inuusan awood u lahayn guddoomiye Cirro gudbinta mooshinka.

Murankaasi wuxuu keenay in guddoomiye ku-xigeenka Barlamka Somaliland Baashe Maxamed Faarax ku doodo in aan shirka la xirin, waxaana taasi sababtay in Cirro dagaal uu Feer u adeegsaday ku qaado ku-xigeenkiisa.

Ciro iyo Baashe ayaa labaduba golaha laga saaray, waxaana dagaalka labada mas'uul ka dhashay markii dambe dagaal kale oo dhexmaray xildhibaanno kala taabacsan labada hogaamiye.

Waa markii ugu horeysay oo gacan ka hadal dhexmaro labada mas'uul ee ugu sareeya golaha wakiilada Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM