Gadoodka ciidan ee Muqdisho oo "beeniyey" guul ay DF sheegatay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gadoodka ay ciidamadda maanta ka sameeyeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa soo afmeeray sheegashada madaxda ee ku aadan bixinta mushaharka askarta, sidda uu sheegay siyaasi.

Ciidamadda oo ka tirsan qeybta 17aad ayaa tilmaamay in ay kasoo baxeen furimaha dagaalka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe isla markaana aysan wax gunno ah qaadan ku dhowaad labadii sano ee u dambeysay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo ka falceliyey gadoodka ciidanka, ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in uu ka shaqeeyo sidii xuquuqdooda ku heli lahaayeen ciidamadda.

"Waxaan madaxda dowladda Federaalka ah, gaar ahaan Madaxweynaha oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ugu baaqayaa in ciidankan gadoodsan xuquuqdooda la siiyo," ayuu kusoo qoray bartiisa Facebook-ga.

Wuxuu intaas raaciyey hadalkiisa: "Suuragal maaha in ciidankeennu furamaha dagaalka cadawga kaga difaacaan, xaqoodiina waayaan".

"Waxa keli ah ee madaxda N&N sheegan jireen waa bixinta mushaarka ciidanka, tiina maanta ayey beenowday, mar haddii qaar ciidanka ka mid ah uu 18-bilood mushaar ka maqan yihiin," ayuu kusoo xiray qoraalkiisa.

Intii ay gadoodka ku guda jireen, ciidamadda ayaa hakad geliyey isu socodka waddooyinka gala Madaxtooyadda ee taalada Daljirka Daahsoon.

Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin dhacdadaan. Lama ogga hadii ciidanka aysan marin diiwaan-gelinta casriga ah ee dowladdu ku doodey markii sidaan oo kale ay askar u banaanbaxeen sanadkii hore.

Ciidamadda Soomaaliya ayaa safka hore kaga jira la dagaalanka maleeyshiyaadka Al-Shabaab. Askarta howlgalka AMISOM oo ku wehlisa waxay si joogto ah u helaan mushaharkooda iyo daryeel, balse Soomaalida lama siiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles