​GALGADUUD: Ahlu Sunna oo la wareegtay Godinlabe

Image

GODINLABE, Somalia- Malleeshiyada Ahlu Sunna ayaa si buuxda ula wareegtay Maanta oo Arbaco ah gacan ku haynta deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud, kadib dagaal xooggan oo ay halkaasi kula galeen ciidamada taabacsan Galmudug.

Goobjooge ayaa GO u xaqijiyay in la wareegista Ahlu Sunna ee Godinlabe ka danbaysay markii weerar ay ciidamada Nabad Sugidda Galmudug ku qaadeen Malleeshiyaad Jidgooyo dhigtay deegaankaasi.

Kooxaha Isbaarada dhigatay iyo kuwa Ahlu Sunna oo wadajira ayaa la sheegay inay deegaanka Godinlabe ka saareen ciidamada maamulka Galmudug, kuwaasi oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado.

Saraakiisha maamulka Ahlu Sunna, ayaa cadeeyay inay si buuxdo gacanta ugu hayaan Godonblabe, islamarkaana ay dagaalka ku qabteen Askar katirsan ciidamada Nabad Sugida Galmudug iyo Gaadiid dagaal.

Galmudug wali kama aysan hadlin dagaalka iyo la wareegista deegaanka Godinlabe, oo ku yaalla inta u dhaxayso magaalooyinka Dhuusamareeb, oo Ahlu Sunna maamusho iyo Cadaado oo xarun u ah Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM