​Galgaduud: Al Shabaab oo weerartay Militariga Ethiopia

Image

CEELBUUR, Somalia - Malleeshiyaad katirsan Kooxda Al Shabaab ayaa maanta oo Isniin ah weerar ku qaadey Kolonyo Gaadiid ay wateen ciidamada Ethiopia, ee ka howlgala gobolka Galgaduud.

Sarkaal military oo ku sugan Ceelbuur, ayaa GO u xaqiijiyay in weerarka u dhacay markii dagaalyahanada Al Shabaab Jidka uu galeen baabuur ay leeyihiin ciidamada Ethiopia oo ka tagey degmada Maxaas.

Weerarka waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dab-ugaas, oo u dhaxeysa Ceel Buur iyo Waxbo, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal xooggan, oo qaatey mudo saacado ah, sida uu sheegay Sarkaalkaas oo magaciisa qariyay.

Deegaanada u dhaxeeya Ceelbuur iyo Maxaas, sida Waxbo iyo Dab-ugaas, waxaa maamula Al Shabaab, iyagoo inta badan sameeyaan weeraro noocaan ah, oo ku qaadaan Kolonyada Gaadiidka AMISOM iyo ciidamada dowladda Somalia.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dhacdadaa, balse Saraakiisha ciidamada dowladda Somalia ee degmada Ceelbuur waxay sheegeen in tiro kamid ah mallayshiyaadkii weerarka soo qaday la dilay.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay ciidamada AMISOM iyo ururka Al Shabaab, waxaase arrintan daba socotaa dagaallo tan iyo todobaadkii hore ka dhacay gobolkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM