Galkacayo: qarax lala beegsadey sarkaal u shaqeyn jirey QM

Image

GALKACAYO 28 April, 2015 (GO)- Magaalada Galkacayo ayaa waxaa goor dhoweyd qarax lagula beegsadey sarkaal u shaqeyn jirey hay'ada UNOCHA, qaraxaas oo la sheegey in gaarigiisa lagu rakibey.

Maxamad Cabdiraxman " Dhabancad" oo madax ka ahaa shirkad magaalada Galkacayo galisa Layrarka qoraxda ku shaqeeya ayaa gaariga ka dagey markii qaraxaan qabsadey iyada oo halkaas ku dhawacyo fudud kasoo gaareen dadweyne ka ag dhowaan goobta.  

Ururka Al-shabaab ayaa bartilmaamedesada dadka ka shaqeeya shirkadaha korontada kuwasoo diidan in magaalooyinka helaan iftiin ku filan.

Magaalada Garowe ayaa April 20, 2015 waxaa qarax lagula beegsadey gaari ay laheyd hay'ada UNICEF halkaas oo ay ku dhinteen 4 kamid ah shaqaale ajaanibta ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey.

GAROWEONLINE KALA SOCO WARAR DHEERAAD AH.

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM