Galmudug oo aan ku qanacsaneyn shirka Muqdishu

Image

CADAADO: Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in qodobbadii kasoo baxay shirka wada tashiga ee magaalada Muqdisho aysan raalli ka ahayn, balse uu ahaa wax ay wateen beesha caalamka iyo Dowladda Dederaalka Somalia.

Guuleed oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulkiisa, ayaa sharraxaad ka bixiyay qaabka uu u dhacay shirku inuu ahaa mid qoor qabasho ah taasoo uu sheegay in looga faa’aaiideystay kala aragti duwanaanshaha madaxdii ka qayb gashay madasha, isagoo beesha caalamkuna ka codsaday in mar kale la siiyo fursad.

Shalay ayay ahayd markii uu sidan oo kale u shaaciyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, in lagu qasbay dowladda Somalia iyo mas’uuliyiinta maamulladaba wixii laga soo saaray shirka, isagoo sheegay in gebigoodba loo yeeriyay qaraarka la gaaray,wuxuuna eedda dusha uga tuuray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo ku kala aragti fogaaday nooca doorasho ee dalka ka dhici karta bisha Augost ee soo socota.

Dowlada Puntland ayaa gabi ahaanba diidey go'aanki dowlada Federaalka oo tageerada ka heley beesha caalamka iyada oo sheegtey in nidaamka la doortey ee 4.5 aan lagu dhsi karin dowlada Somaliyeed.

DHAGEYSO: 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM